Sawirle: Bertil Isaksson.

Ugaarsiga xayawaanka Älg oo maanta bilaabmaya

Dalka Iswiidhen ayuu maanta qeybo ka mid ah ka bilaabmayaa ugaarsigii sannadlaha ahaa ee xayawaanka aflkan lagu yiraahdo Älg-ga, iyadoona uu sannad walba sannadka ka dambeeya ka sii qaaliyoobeyo maadaama la abuurray sannadkii ina dhaafay nidaam hayad hor leh ee ka howl-gasha.

Farqi aad u ballaaran ayaa u dhexeeya qiimaha lagu bixiyo ugaarsiga Älg-ga, iyadoona uu ugu qiime sarreeyo carriga Sörmland oo sannadkii ina dhaafay uu qiimughu laba jibaarmay gaarayna 1 200 oo koron halkii uu horay uga ahaa 600. Labada gobol ee Jämtland iyo Västernorrland ayaa ah gobollada keliya ee aanu qiimuhu kor u kicin. Qiimaha gobolkaa lagu bixiyaana yahay 250 iyo 50 koron oo lagu kala bixiyo Älg-ga weyn iyo midka midka ilmaha ah.

Dhaqaalaha qidmadda ee laga qaado ugaarsiga xayawaanka Älg-ga ayaa lagu miisaaniyad geliyaa hayadda hayadda xanaaneeynta xayawaanka Älg-ga oo hayad-goboleedku u isticmaasho nidaamka ugaarsiga.

Isha/ P4 Jämtland

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".