Iswiidhish lagu xabisay dalka Ciraaq

Abid Al-Sahlani, ahna siyaasi ciraaqi ah oo haysta dhalashada dalkan Iswiidhen ayaa xabsiga loogu taxaabey maalintii sabtidii ina dhaaftay dalka Baqdaad, sida uu qoray war-geeyska Expressen boggiisa internet-ka expressen.se

Sida war-geeysku qoray Abid Al-Sahlani ahna aabbaha xil-dhibaan ka tir-san baarlamanka dalka Iswiidhen Abir Al-Shlani (C) ayaa xabsiga loo taxaabey iyada oo la shaacin dembiga lagu haysto, sida ay sheegtay laanta wararka ee Ekot. Wasaaradda arrimmaha dibadda ayaa u xaqiijisay laanta ekot inuu jiro muwaadin iswiidhish ah ee xabsiga loogu taxaabay magaalada Baqdaad fiid-nimadii sabtidii ina dhaaftay:
- Saraakiil ka howl-gasha safaaradda uu dalkanik u leeyahay dalka Ciraaq ayaa xiriir amuurtan kala sameeysay hayadaha dawliga ah ee magaalada Baqdaad iyo xaaska la heystaha, hase yeeshee aanay illaa iminka caddeyn sababta xabsiga loogu taxaabay, sida ay sheegtay Victoria Bell oo ka ho0wl-gasha wasaaradda arrimmaha dibadda oo u warrantay laanta wararka ee ekot.

Isha/ ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".