FP: Waa in bil saddexaad lagu daraa fasaxyada aabeyaashu qaataan

Xisbiga Shacabka (Folkpartiet) ayaa soo jeediyay in bil dheeraad ah oo saddexaad lagu daro bilaha ey aabbeyaashu u qaataan fasaxyada dhallaankooda, sida uu hoggaanka xisbigu ku go'aansaday axaddii ina dhaaftay.

Habka uu u qaabeey-san yahay nidaamka ceeymiska waalidka iyo dhallaanka ayaa wax ballaaran ka tara sida sinnaantu ku dheehan tahay ee laba jinsi ee ragga iyo haweenkuba uga qeyb galaan hor-u-marka suuqa shaqada, uu war-saxaafadeed ku qoray xisbiga Shacabka FP. Muddada dheer ee hooyooyinku suuqa shaqada kaga maqan yihiin barbaarinta dhallaanka ayaa hoos u dhiga hor-u-marka mushaarooyinka haweenka iyo dalacaaddooda sida uu xisbigu qabo.

Isha/ TT

                                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".