Sawirle: Christine Olsson och Fredrik Sandberg/Scanpix.

Khidmadda howlgabka oo la dhimay horraanta sannadka ina soo haya

1:33 min

Shir-jaraa'id oo maanta ay qabteen afarta xisbi ee ku midoobey hoggaanka dalka ayey ku soo ban-dhigeen qorshe la xiriira in hoos loo dhigo cashuurta gunnooyinka howl-gabka, dhaqaale gaarsii-san 2,5 bilyan oo koron. Waana miisaaniyad laba jibbaaran marka loo eego middii ey xisbiyada garabka midig horey u soo ban-dhigeen.

Miisaaniyaddan ayey ku heli doonaan ug yaraan 100 koron bishiiba howl-gabka da'doodu gaarsii-san tahay 65 laga bilaabo 1-da bisha jannaayo ee sannadka 2014.

Khidmad-dhimistan ayaa lagu gaari doonaa iyada oo kor loo qaado saqafka dhaqaalaha lala noqdo, waana mid ey faa'iidada ugu ballaarani ka soo gaari doonto gunnooyinka howl-gabka ee ugu hooseeya.

Waa kan Göran Hägglund, wasiirka howlaha bulshada mar uu middaa ka warramayay:
 - Xilligii lagu jiray tartankii doorashada ee 2010 ayaannu ku soo ban-dhigney ballan-qaad ah dhimista khidmadda gunnooyinka howl-gabka oo gaarsiisan 1,15 bilyan. Waxaannu iminka gaarsiiney 2,5 bilyan oo koronka iswiidhishka ah. Qorshaha aannu maanta soo jeediney ayuu howl-gab walba ku heleyaa ugu yaraan 100 koron wixii laga bilaabo bisha jannaayo ee sannadka foodda innagu soo haya 2014.

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista