Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Warshadda Oskarshamn ee quwadda nukliyarka oo howl laga joojiyey

Maamulka warshadda quwadda korontada nukliyeerka ee Oskarshamn ayaa maanta joojiyay mashiinka soo saarka quwadda korontada laanta O3 ee Oskarshamn, kadib caqabado kala soo gudboonaadey dhanka howsha mashiinka.

Howshii mashiinka ayaa hakad gashay kadib iyada oo marwaxadii mashiinka ey istaagtay, isla-markaana kor u kaceen heerkii biyuhu, dabadeed gacanta lagu joojiyey mashiinka. Illaa iyo hadda lama hubo goorta dib howsha loo bilaabi doono. Iyada oo aaney weliba labada kale ee mashiin aaney how-gelin iminka. Mashiinka 01 ayaa la fileyaa inuu howl-bilaabo 12-ka bisha septeembar, halka mashiinka 02 ay ku socoto dayac-tir xooggan oo lagu casriyeeyneyo.

Isha/ TT

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".