Julian Assange. Sawirle:UIP

Assange oo dacwad ka gudbinaya falal ka dhacey garoommo diyaaradeed

Abuurihii bogga internet-ka ee Wikileak Julian Assange ayaa ku talo-jira inuu dacwad uga soo gudbiyo ciidanka ammaanka ee dalkan Iswiidhen fal sida warka lagu sheegay ka dhacay garoonka dayuurradaha ee Arlanda ama garoonka Tegel ee magaalada Baarliin sannadkii 2010.

War-saxaafadeed uu soo saaray fiid-nimadii isniintii toddobaadkan ayuu ku sheegay in mid ka mid ah garoommada ey saraakiil ka socota heyadaha dawladda kala wareegeen saddex kombiuuter oo ah kuwa gacanta lagu qaato oo ey ku keydsanaayeen, sida uu hadalka u dhigay cadeeymmo dembiyo dagaal oo ciidammada Mareeykanku ka galeen dalka Afgaanistaan halkaasina oo ey ku geeriyoodeen 60 haween iyo dhallaan isugu jira. Isagoona ula jeeda xasuuqii Garani bishii maajo sannadkii 2009.

Laga bilaabo bishii juun sannadkii 2012 ayuu Julian Assange ku xaniban yahay safaaradda dalka Ekfadoor ku leeyahay waddanka boqortooyada Ingiriiska, halkaasina oo uu ka dalbaday magan-gelyo siyaasadeed. Waana mid uu kaga baxsaday dacwad galmo sharci-darro ah ee looga haystay dalkan Iswiidhen.

Isha/ TT

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".