Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

AF: Shirkadaha ku hagidda shaqada oo xad dhaaf ku sugan

La daabacay tisdag 3 september 2013 kl 12.14
Af: Waa in la dhimo shirkadaha hagidda ku howl-gala
(1:12 min)
Foto:Rebecca Nygren/Sveriges Radio

Hoowlaha shirkadaha shaqa-hagidda ayaa ku sugan xaalad ey suuqa ku bateen, sida ay hayadda xafiiska shaqadu war-bixin cusub ugu gudbisay dawladda.

Shirkado gaarsiisan 3 500 ayaa tartan ugu jira sidii ey shaqa ugu hagi lahaayeen dadyoow gaarsiisan 3 000 oo shaqa-doon ah, sida uu sheegay ku-simaha agaasimaha hayadda xafiiska shaqada oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno AF Clas Olsson:
- Waxaan jeclaan lahayn inaan yareeyno shirkadahaa, si ey noogu sahlanaato howlaha kor-meerka ee shirkadaha. Haddii natiijo laga hadleyo, aanay macne ku fadhin hoowlaha la qabtey, hase yeeshee la kharash geliyaa oo keliya natiijada la gaaray.

Hayadda xafiiska shaqada ayaa adkeeyn doonta kor-meeradeeda iyada oo middaa la kaashan doonta hayado ey ka mid yihiin hayadda cashuuraha (Skatteverket) iyo hayadda kor-meerka iskuullada. Hayadda AF waxay sidoo kale ku talo-jirta sidii ey dib-raac ugu sameeyn lahayd qandaraasyada lala galo shirkadaha, isla-markaana u adkeeyn lahayd dibaba-galka iyo dhameey-tirka shirkadaha.

Källa SVT

                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".