Farqiga habnololeedka wiilasha iyo gabdhaha

Wiilasha ayaa saacado ka badan ku ciyaara aaladda internet-ka kolka loo barbar-dhigo gabdhaha. 20% ayey wiilashu maalintii ku bixiyaan saddex saacadood ciyaaraha kombiyuutarrada iyo tv-yada, kolka loo barbar-dhigo hablaha oo tiradaasi ey 5% gaarsiisan tahay, sida ay baaritaan ku sheegtay hayadda tira-koobka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno SCB oo baaritaan ku sameeysay hab-nololeedka dhallaanka.

Wiilasha da'doodu u dhexeeyso 16 illaa 18 ayaa ugu heysta da' da ugu ciyaarta badan.

Hase yeeshee kolka laga hadleyo ciyaaraha iyo taba-barrada ma jiro farqi u dhexeeya tirada hablaha iyo wiilasha ku qeyb qaata. Dhallaanka ka qeyb-qaata taba-barro ey ku daalaan ama ku dhididaan ugu yaraan toddobaadkii mar ayey tiradoodu gaarsii-san yihiin 86%. 68% dhallaanka ayaa tababarro ku qaata kooxo ama ururro ey xubno ka yihiin.

Isha/ TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".