Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Khuraafaad aabbeyaasha laga heystey oo lagu sheegey wax kama jiraan

La daabacay tisdag 3 september 2013 kl 14.25
Aabbe ilmo uu dhalay garabka ku sita. Sawirle: Hasse Holmberg/Scanpix

Hayadda ceeymiska qaranka ayaa baaritaan ay sameeysay ku burburisay fikir khaldan ee laga heeystey xilliyada ey aabbeyaashu qaataan fasaxyada dhallaankooda oo lagu sheego iney yihiin xilliyada ugaarsiga iyo xilliyada ey socdaan tartannada ciyaaraha ee caalamiga ah.

Hase yeeshee ey muuqatey iney kor u sii kaceeyso tirada aabbeyaasha fasaxyada la qaata bilaha kuleeylaha inta ey dhallaanku fasaxa ku jiraan. Iyo iney guryaha kula qaataan bilaha fasaxa. Waa mid la caadeeystey in maalmaha fasaxa dhallaanka loo qaato lagu kabo xilliyada fasaxa lagag jiro shaqada, sida uu sheegay Niklas Löfgren, ahana af-hayeenka laanta dhaqaalaha qooysaska ee hayadda ceeymiska qaran.

Sannadkii 2012 ayey raggu qaateen qiyaastii 24,8% ee dhammaan maamlmihii waalidiinta ee fasaxa loo qaato dhallaanka. 

Baaristan ayay waalidiinta leh tacliinta sare ey ka muuqatey saansaan iney si cadaalad ku dhisan u qeybsadaan fasaxyada dhallaanka loo qaato, kolka loo barbar-dhigo waalidiinta aan tacliinta sare laheyn. Haddii hooyada reerku ka tacliin-sarreeyso aabaha waxey sababi kartaa in si siman loo qaato fasaxyada.

Isha/ ekot

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".