Ángel Gurria iyo Anders Borg. Sawirle: Claudio Bresciani/Scanpix.

OECD: Dhaqaalaha Iswiidhen wuxuu u baahan yahay dardar gelin

Maamulka dalka Iswiidhen waa inuu qaado tallaabooyin uu ku dhiiri-gelinayo dhaqaalaha iyo sidii uu dardar ugu gelin lahaa, isla-markaana loo dhimi lahaa shaqo-la'aanta. Wuu karaa dhaqaalaha Iswiidhen howlahaa, sida uu sheegay agaasimaha guud ee ururka marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno OECD:s Angel Gurría oo shir jaraa'id ey si wada-jir ah u qabteen Anders Borg, wasiirka dhaqaalaha ee dalka Iswiidhen (M).

Borg sayaa sheegay in loo baahan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa dhoofinta alaabada, middaasi oo abuureysa shaqooyin hor leh. Wuxuu intaa ku daray in shaqo-la'aantu halkaa sare sii taagnaan doonto. Sidaa-daraadeed loo baahan yahay in la dardar-geliyo dalabka dalka gudihiisa oo gacan ka geeysaneysa kobaca dhaqaalaha caalamka.

Xaqiiq

OECD waxay u taagan tahay - Organisation for Economic Co-operation and Development - Ururka is-kaashiga dhaqaalaha iyo hor-u-marka.

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".