Sawirle: Erick Kaglan/ Scanpix

Hehsiiska mushaarooyinka ee garabyada iskuullada madaxa bannaan

Ururka macallimiinta ayaa maanta heshiis afar sannadood socon doona u saxiixay bareyaasha wax ka dhiga dugsiyada madaxa-bannaan. Heshiiskan oo u ogolaanaya in 2% mushaarooyinkooda kor loo qaado sannadkan eynu ku jirno iyo 4% sannadka foodda innagu soo haya ee 2014 ayaad mooddaa inuu soo xasuusineyo heshiiskii ururka macallimiintu ey horey u wada-gaareen maamullada degmooyinku.

Labada sannadood ee foodda innagu soo haya ayey 16 000 ee wax ka dhiga dugsiyada madaxa-bannaan ee 640 shirkadood ee mulkida u lihi heli doonaan dhaqaale u dhigma shaqaalaha dhigoodda ah ee suuqa shaqada, sida uu ururka shaqaaluhu daaha ka qaaday. Ma jiri doonaan heshiis dhexe ee lagu dammaanad qaadeyo mushaar-kordhin cayiman. Waxaase mushaarooyinka lagu gooyn doonaa xarumaha shaqada labada sannadood ee ugu dambeeya, sida uu sheegay ururka shaqa-bixiyeyaasha ee Almega

Isha/ TT

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".