Barack Obama vinkar innan han klivar ombord på Air Force One. Foto: Scanpix.

Diyaarada sidey Obama oo hada soo cago dhigatey Arland

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayey maanta u bilaaban doontaa booqashadiisa uu ku imaanayo Iswiidhen. Obama diyaarada sidah ayaa hada soo cago dhigatey Arlanda.

 Booqashada madexweynaha Mareykanka uu ku imaanayo Iswiidhen ayaa qaadan doonta 24 saac. Marka hore waxuu la kulmi doonaa ra'iiisalwasaare Reanfeldt iyo xukumadiisa, ka bacdiina waxuu la kulmi doonaa boqorka Iswiidhen. Isla maanta ayuu boooqan doonaa macbadka yahuudda iyo jaamacada KTH. caawey sidoo kale madaxweynaha la kulmi doonaa madaxda waddamda waqooyiga Yurub sida Norwey, Danmark iyo Finland.

Degida diyaaradaha waxaa madaxweynaha ku soo dhaweynaya wasiiro ay kamid yahiin Carl Bildt, Annie Lööf iyo Hägglund.

Booqashada darteed qaybo badan oo kamdi ah wadooyinka marah faras magaalaha Stockholm ayaa xiriri doonaa.

Booqashada Obama uu ku yimid Iswiidhen ayaa ah mid taarekhi ah madaama ay tahay markii ugu horeysey oo madaxweyne Mareykan booqasho rasmi ah ku yimaado dalkan Iswiidhen.

Jadwalka booqashada Obama

10:45 - ayaa la filayaa diyaaradiisa in ay soo cago dhigato Arlanda

14:30 - shir-saxaafadeed ay wadan qaban doonaan Obama iyo Reinfeldt

16:00 - ayuu booqan doonaa macbadka yahuudda Stockholms synagoga

17:00 - booqan doonaa jamacada KTH

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista