Booliiska oo xirey wadooyinka gala macbadka yahuud ee Stockholm halka oo maanta Obama booqan doono. Foto: Tommy Fredriksson/Sveriges Radio.

Obama oo booqan doona maanta taalada xasuus xuska Raoul Wallenberg

Jadwalka boooqashada Obama uu maanta ku yimid magaalo madaxda Iswiidhen Stockholm waxaa kamid ah booqasho uu ku tagi doono macbadka Yahuuda ee Stockholm. Waxaa sidoo kale la filayaa in uu ka booqdo taalada xasuus xuska Raoul Wallenberg ee ku dhextaala macbadka yahuuda.

Raoul Wallenberg oo ahaa diblumaasi xilligii uu socdey dalgaalkii labaad ee aduunka kana badbaadiyey yahuud badan naziistayaashii Jarmalka ayaa Obama booqashadiisa ku xusi doonaa calmakiisa fiicnaa.

Lena Posner-Körösi madaxa macbadka Yahuuda waxey tiri waa arin farxad leh in uu madaxweyne Obama uu soo booqdo macbadkeena quruxda badan oo uu xushmo gaar ah u muujiyo Raoul Wallenberg. Intas yaan nagu filan wax kale kamo dooneyno. AnigaNA fursad u heli doonaa in aan si qaas ah ula kulmo, ayey tiri.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".