Halka ay Obama iyo Rienfeldt shir-saxaafadeedka maanta ku wado qaban donaan. Foto Jonas Ekströmer/Scanpix

Saxaafada caalamka oo indhaha ku heysa booqashada Obama

145 saxaafi ayaa ku sugan xarunta xukumada Iswiidhen ee Rosenbad si ay u dhageystaan shir-saxafadded la qorhseynayo in ay Obama iyo Rienfeldt halkaas ku qabtaan. Saxaafiyiintan ayaa ka kalo socda saxaafadaha laga leeyahey caalamka oo dhan waxaan kamid ah New York Times, Financial Times iyo Washington Post. Sidoo kale shan saxaafi oo ka howl-gala telefishinka CNN ayaa halkas ku sugan.

Ginna Lindber oo horey Radihaya Iswiidhen uga soo warami jirtey Mareykanka ayaa sheegtey in booqashada Obama ku yimid Iswiidhen qaybo kamid ah laga baahiyey qaybo kamid ah saxaafada Mareykanka.

"Qaybo kamid ah wey baahiyeen inkastoo inta badan ay aad u hadal hayaan xaalada Suuriya iyo kulanka soo socda ee ay yeelan doonaan madaxda waddama G20. Dabcan booqashada xiisaha looga hayo Mareykanka wey ka yartahay tan loga hayo dalkan Iswiidhen".

Wakaalada wararka AP oo laga leeyahey Mareykanka ayaa qortey" Madaxweyne Brack Obama waxuu isku deyayaa in uu booqashadiisa qaadan doonta 24 saacadood ee ku tagey magaalo madaxda Iswiidhen in ay tahay isku dey uu doonayo in uu ku muujiyo in Mareykanka leeyahey dhan jilicsan oo diblo9maasiyadeed.

Wakaalda wararka ee Fransiiska AFP ayada waxey qabtaa in ahmiyada saarnaan doonto arinta Suuriya.

"Madexweynaha USA waxuu booqasho uga degey Stockholm maanta oo arbaco ah, booqasho labo maalmood ah oo ay dhici karto in ahmiyada ugu weyn booqashadaas ay qaadato arinta Suuriya, inkastoo waddanka uu martida u yahay isku dayayo in uu ahmiyada siiyo agendayaal badan".

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".