Wasiiradda taageerada caalamiga Iswiidhen oo booqatay Muqdisho

Wasiiradda kaalmada caalamiga ee dalka Iswiidhen Gunilla Carlsson oo maanta booqasho gaaban ku tagtay magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaadatay masuuliyiin ey ka mid ahaayeen madax-weynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, wasiiradda arrimmaha dibadda, wasiirka dhaqaalaha iyo qeybo ka mid ah bulshada iyo sidoo kale howl-wadeennada UN-ka iyo Midowga Afrika. Booqashadan ayaa ahayd middii saddexaad ee Gunilla Carlsson ku tagto Soomaaliya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".