Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Malaayiin lacag ah oo lagu horumarinayo sancada casriga ah

La daabacay torsdag 5 september 2013 kl 10.17

Dowladda Iswiidhen waxay ku talajirtaa in ay lacag gaareysa 700 milyan oo karoon oo ka mid miisaaniyadda qaranka u qoddeyso in lagu maalgeliyo shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexe si ay u soo saaraan sancooyin cusub oo waxtar u leh cimilda. Lacagahaasna waxaa horraantii la gelinayaa saamiyada shirkadaha yaryar ee ku hawllan sancooyinka waxtarka u leh cimilada.

Haddaba si ay Iswiidhen u sii ahaato dal looga daydo sancooyinka waxtarka u leh cimilada, waxaa loo baahan yahay in la maalgeliyo shirkadaha ku hawllan soosaarka sancooyinkaas. Sidaasna waxaa bogga doodaha ee wargeyska DN ku qoray Annie Lööf iyo Anna-Karin Hatt oo ah labo wasiir oo dowladda ku jira kana tirsan xisbiga dhexe ee Centerpartiet.

Dowladda Iswiidhen waxay rajeyneysaa lacagahaas lagu maalgelinayo ay ka yimaadaan khasnadda horumarinta gobollada ee Midowga Yurub. Lacag dhan 175 milyan oo karoon waxay ka imaneysaa shirkadda Almi iyo hay’adaha tamarta. Waxaa kaloo shirkadahaas iyo hay’adaha tamarta loo xirsaaray in ay soo diyaariyaan hindisihii lagu hirgelin lahaa khasnadda lagu horumarinayo sancada cimilada. Sidaasna waxaa war-saxaafadeed ku sheegtay wasaaradda ganacsiga.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".