Sawirle: Helena Sällström/P4 Sveriges Radio Göteborg

Laba qof oo toogasho loogu dilay xaafadda Hisingen ee Göteborg

Isxabbadeyn ka dhacday xaafadda Hisingen ee magaalada Göteborg fiidkii rabacadii shalay ayaa lagu dilay laban in. Boliiskina wuxuu bilaabay baaritaan dil, in kastoo aan weli la qaban cid la tuhunsan yahay.

Labadaan nin oo da’doodu kala ahayd 17 iyo 28 sano ayaa dhaawacooda loo qaaday isbitaalka weyn ee Sahlgrenska, halkaas oo markii dambe ku geeriyoodeen.

Waxaa sannadkii hore la soo weriyey 33 xabbadayn ah, halka ay sannadkaan tirada is-xabbadayntu ilaa hadda gaareyso 27.

Boliiska gobolka Västra Götaland wuxuu caawimaad weyddiinayaa boliiska dalka qaybihiisa kale, ayuu war-saxaafadeed ku sheegay Björ Blixter oo ka socda boliiska gobolka Västra Götaland:

- Marka ay dhacaan dembiyo la mid ah toogashooyinka ka dhacay Göteborg, waxaan caawimaad weyddiinnaa dhammaan boliiska qaybaha dalka. Waxaan u baahanahay gargaar dheeraad ah si aan wax uga qabanno hawlaha ka hortagga, baaritaanada iyo hawlaha daba-galka. Wax alla wixii caawimaad ah waa u baahanahay marka ay nala soo gudboonaadaan arrimaha noocaan oo kale ahi. Hadda arrimo badan oo baaritaano u baahan ayaa na horyaal. Hawshuna waa nagu badan tahay. Waxaana loo baahan yahay in loo muujiyo dadka gala falalka dembiyada iyo bulshada inteeda kale in aan ahmiyad weyn siineynno falalka noocaan ah.

Isha: Nyheter P4 Göteborg

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista