Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

DNA-da Boliisku ururiyo oo soo yaraatay

La daabacay fredag 6 september 2013 kl 10.12
Baaritaan DNA

Boliisku wuxuu sannadkaan soo ururiyey DNA ka yar kuwii sannadkii hore, taas oo yareysey fursadaha in DNA-da goobaha dembiyadu ka dhacaan laga soo ururiyey lala xiriiriyo dadka la tuhunsan yahay.

Waxaa Hay’adda shaybaarka dembiyada laga soo xigtay in tirada in guul laga DNA-da la soo ururiyey ay isdhintay boqolkiiba 14 marka la barbardhigo sannadkii 2012.

Joakim Lännige oo ka socda Hay’adda kormeerka hawlaha boliisku wuxuu qabaa in tirada isdhintay ay qayb ahaan la xiriirto boliiska oo horay ururiyey DNA-da dembiilayaasha caanka ah badankood. In aan raadadka laga helo goobaha dembiyada badankood lala xiriirin qof la tuhunsanaa wuxuu ku sharraxay hawlwadeenkani sidaan:

- Qayb dhibaatadaan ka mid ahi waxay noqon kartaa in la og yahay dembiyo badan la xiriiraan dalalka marka laga hadlayo guryaha la jebsado, tuuganimada iyo kooxaha dadka dhaca. Waana dad iyadoo urureysan dalka dhaqso u soo gala oo inta ay dembiyo galaan dhaqso uga baxsada. Sidaas awgeed ayey suurtagal noqon kartaa in ay dalka isaga baxaan inta aan la qaban oo laga qaaadin dhacaanno la barbardhigo raadadka laga helay goobaha dembiyada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".