Birgitta Ohlsson, wasiiradda EU-da: Sawirle Bengt Hansell/Sveriges Radio.

Hayadda FRA oo lagu dhaleeceeyey falal basaasnimo ee internetka

Ohlsson: Xaaladdu faraha ayay ka baxday
2:43 min

Muddadii uu booqashada ku joogay dalka Iswiidhen madax-weyne Barack Obama waxaa aad loo hadal hayey dhalleecooyinkii la xiriirey tallaabooyinka hayadaha sir-doonka ee dalka Mareeykanka NSA ku basaastay aaladda internet-ka hayadaha dawliga iyo bulshada caalamka.

Iyada oo iminka sida uu qoray war-geeyska maalinlaha ee Metro ay hayadda sir-doonka ciidanka ee dalkan Iswiidhen oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno FRA ay wada-shaqeeyn la leedahay xogta loogu gudbinayo hayadaha sir-doonka ee mareeykanka NSA iyo midda Ingiriiska GHCQ. Middaasi ayaana ku soo shaac-baxday dhageeysi arrimmaha sir-doonka la xiriirey ee shalay ka dhacay xarunta baarlamanka ee ururka Midowga Yurub. Iyada oo uu suxufi ingiriis ahi sheegay in FRA ay u sahashay Mareeykanka sidii ey ku heli lahaayeen war-bixin la xiriirta fiilooyinka is-gaarsiinta ee badda hoos mara ee waddammada dhaca Baatika. Fal-sireedkaa ayaa hayadda FRA ula baxday magaca "Sardin". Iyada oo hayaddu ka gaabsatay illaa iyo hadda inay jawaab ka bixiso dhaleeceeynta loo soo jeediyey.

Birgitta Ohlsson, wasiiradda xiriirka ee EU-da ee dalka Iswiidhen oo wareeysi ay la yeelatay idaacadda la iska daawado ee SVT, ayaa sheegtay in warkani yahay markii ugu horeeysay oo ay maqasho oo aanay waxba kala socon. Hase yeeshee uu yahay war aan wanaag-sanayn:

Dhanka kale wasiiradda ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay dhacdadii 11-kii sebteembar 2001 ay xaaladdu sii murugtay:
- Dhammaantaya waan dareemi karnaa in wixii ka dambeeyey falkii argagixisnimo ee lagu burburiyey daarihii dheeraa ee dalka Mareeykanka 11-kii septeembar iney faraha ka baxeen falalka basaas-nimada ee aaladda internet-ka. Sidaa daraadeed ay muhiim u tahay mideeynta iyo isu geeynta xoogga ururka Midowga Yurub sidii uu middaa uga hor-tegi lahaa:
- Dhammaan waddammada oo Iswiidhen lagu daray iyo Mareeykankaba armmahan waa kuwo faraha ka baxay, sida ay sheegtay Birgitta Ohlsson.

Dhanka kale war-geeyska ka soo baxa dalka Ingiriiska ee lagu magacaabo "Tha Gurdian" ayaa lagu daabacay in laamaha sir-doonka ee waddammada Mareeykanka iyo Ingiriisku fureen summadaha sirta ee lagu galo xogta keydadka bangiyada iyo isbitaallada. Sidaa daraadeedna lagu helay xogta qoraaladda internet-ka, dhaqaalaha iyo joornaalada bukaan-socodyadaba.

Isha/ SvT, Metro

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".