Sawirle: Claus Gertsen/Philippe Huguen/Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Qiimaha daawooyinka oo hoos u dhici doona sannadka dambe

Marka la dhaafo kala guurka sannadkaan iyo sannadka dambe waxaa aad u raqiisi doona daawooyin badan. Sidaas waxaa qoray wargeyska maalinlaha ah ee Dagens Nyheter.

Taasina waxay ku timid kadib markii ay dowladda iyo ururweynaha wershadaha daawooyinku heshiis ku gaareen in boqolkiiba 7.5 laga dhimo qiimaha daawooyinka dhakhtar u qoro dadka da’doodu ka weyn tahay 15 sano.

Wargeyska DN wuxuu intaas ku daray in heshiiskaan lagu soo bandhigi doono miisaaniyadda qaranka laba toddobaad kadib.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".