Isha: TT

Hawada oo kululaan doonta sabtida iyo axadda

Hawada ayaa noqon doonta mid kulul oo aan roob wadan ilaa bilowga toddobaadka dambe. Derejada kuleylka waqooyiga Iswiidhen waxay gaari doontaa 20 garaaddo, halka ay konfurta ka noqoneyso 25 garaaddo. Kuleylka hawadu sidaas ayey sii ahaan doontaa, taas oo ay ugu wacan tahay hawo cadaadis sare wadata oo dib u dhigeysa hawada cadaadiska hoose ee deyrta.

Weli waxaa lagu jira xilligii kuleylaha qaybo badan oo dalka ka mid ah sida laga akhrisan karo khariidada hay’adda saadaasha hawada.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".