Kaalinta kow iyo tobanka cayaartoy oo kooxda Iswiidhen cayaarta u bilaabaya. Sawirle: TT Nyhetsbyrån

Kooxaha kubbadda cagta ee Iswiidhen iyo Irland oo caawa cayaaraya

Kooxda kubbadda cagta qaranka ee Iswiidhen ayaa caawa cayaar kulul la dheeleysa kooxda kubbadda cagta ee Irland. Cayaartaasina waa mid loogu tartamayo ka qaybgalka cayaaraha kubbadda cagta ee adduunka  oo sannadka dambe lagu qaban doono dalka Barasiil.

Kooxda iswiidhishka ayaa rajadoodu xumaaneysaa haddii caawa guuldarro lagu diro, balse tababaraha kooxda ayaa sheegay in uu rajo weyn yahay in ay kooxda iswiidhishku caawa guul soo hoyi doonto.

Cayaar ka dhacday Iswiidhen xilligii gu’gii la soo dhaafay ayaa la is mari waayey oo ku dhammaatay barbaro. Kooxdii caawa adkaata ayaa rajadeedu wanaagsanaaneysaa in ay guulo ka gaarto cayaaraha soo socda. Haddiise ay barbardhack u dhammaato waxaa rajo wanaagsan yeelanaaya kooxda Iswiidhen maadaamda ay dhibic ka heleen cayaartii ay dayrtii la soo dhaafay la dheeleen kooxda qaranka ee Jarmalka, cayaartaas oo ku dhammaatay 4-4.

Haddiise kooxda Iswiidhen laga adkaado waxay u badan tahay in rajadii ka qaybgalka cayaaraha adduunku ay cirka isku shareertay. Hadda waxay arrintu isugu biya-shubatay: Fardo laysugu joogee laysaga faanin.

Isha: SR

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".