Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Sharciyada dadka shaqada ku yimaada dalka oo la adkeyn doono

La daabacay fredag 6 september 2013 kl 15.46
Tobias Billström, wasiirka arrimaha soogalootiga iyo Maria Ferm oo ka socota xisbiga Doogga. Qaabeynta sawirle: Sveriges Radio/Scanpix.

Dowladda iyo xisbiga Dooggu waxay doonayaan in la adkeeyo sharciyada lagu maamulo dadka Iswiidhen u yimaada shaqo ay ka hellen si looga hortago mushaharooyinka adoonsiga ah iyo in nidaamka si xun loo isticmaalo. Waxaa dib baaritaano loogu sameynayaa shuruudaha shaqada oo lagu heshiiyey, ciddii jebisana waxaa laga xayuubinayaa ruqsadda ay shaqaale ku soo waaridaan.

- Waxaa dhacay in nidaamka si qaldan loo isticmaalay, laakiin guud ahaan si wanaagsan ayuu nidaamkani u soo shaqeeyey. Sidaas waxaa tiri Maria Ferm oo xisbiga Doogga afhayeen uga ah siyaasadda soogalootiga oo shir-jaraa’id la qabatay wasiirka arrimaha soogalootiga Tobias Billström (M).

- Waxqabad dheeraad ah ayaa loo baahan yahay, laakiin marnaba kuma talajirno in aan albaabada xirno, ayuu yiri säger Billström.

Shrciyadaan oo lagu wado in ay dhaqangalaan 1da abriil ee 2014 waxay awood u siinayaan Hay’adda Socdaalka in ay macluumaad ka hesho diiwaanada hay’adaha kale. Ciddii shaqabixiye ah oo diidda in ay soo gudbiso macluumaadka shuruudaha shaqaalaynta waxay mudaneysaa ganaax ama xabsi.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".