Sawirle: AP Photo/Rebecca Blackwell/Scanpix

Xukunkii xabsi-daa’inka ee ninkii Ruwaanda oo go’aan laga gaarayo

Xukun taariikhi noqday ayaa bishii Juun lagu riday Stanislas Mbanenande, isagoo xabsi-daa’in loogu xukumay in uu geystey xasuuq dad iyo dembiyo dagaal. Wuxuuna noqday ninkii ugu horreeyey oo jinsiyad iswiidhish ah haysta oo lagu xukumo in uu geystey dad-xasuuq. Maxkamadda rafcaanka ayaa hadda go’aan ka gaareysa haddii xukunkaas xabsi-daa’inka ah waxa laga beddelayo iyo haddii kale. Dacwaddaasina waxay maanta ka dhacaysaa maxkamad ku taal magaalada Stockholm.

Ninkaan lagu magacaabo Mbanenande wuxuu ka soo jeedaa dalka Ruwaanda, halkaas oo sannadkii 1994 lagu xasuuqay dad tiradoodu gaareyso 800 000 oo qof oo ka tirsan qowmiyadda tutsiga.

Ninkaan oo hadda jira 55 sano wuxuu ka soo jeedaa qowmiyadda hutuga. Waxaa lagu soo eedeeyey in uu rasaas qoryaha awtomaatiga ah ku furay dadka shacbi ah, iyo in uu madax hoose ka ahaa galbeedka Ruwaanda, halkaas oo lagu laayey dad badan shicib ah oo isugu jirey rag, dumar iyo carruur.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".