Farqiga u dhexeeya garabyada siyaasadda oo sii kordhaya

Garabka bidixda ee xisbiyada dalka ayaa boqolkiiba 10 dhaafay garabka midigta. Sidaasina waxaa lagu muujiyey ra’yi ay skirkadda Novus ka soo ururisay dadka wax doorta.

Farqiga u dhexeeya labada garab horey heerkaas uma gaarin intii ka dambeysey doorashadii la soo dhaafay.

Xisbiyada Mooderaatka, Folkpartiet, Centern iyo Kristdemokraterna waxay wadajir u heleen boqolkiiba 39.7 codadka dadkii la waraystay, halka ay xisbiyada Sooshiyaal-dimoqraadiga, xisbiga Doogga iyo xisbiga Bidixdu wadajir u heleen boqolkiiba 49.7.

Xisbiga Dhexe ama Centern wuxuu helay boqolkiiba 4.2, halka uu xisbiga masiixiyiinka dimoqraadiga ah ama Kristdemokraterna uu helay boqolkiiba 3.9 oo ah tiro ka hooseysa boqolkiiba 4 oo ah xadka lagu galo baarlamaanka.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".