Arday geleysa dugsiga Lundsberg. Sawirle:Jessica Gow/Scanpix.

Dugsiga Lundsberg oo maanta dib loo furay

Waxaa maanta hawlihii waxbarashada laga bilaabay dugsiga Lundsberg kadib markii ay maxkamadda dhexe ee arrimaha maamulku burisey go’aankii Hay’adda kormeerka dugsiyada oo dugsiga ka mamnuucayey in uu sii wado hawlihiisa waxbaridda.

Balse weli wuxuu dugsigu khatar ugu sugan yahay in gebi ahaanba la xiro. Sidaasna waxaa yiri Björn Söderman oo maamulaha dugsigaan oo ah mid la seexdo ama kulleejo ah.

Dugsigaan waxaa si degdeg ah loo xiray 28kii bishii Agoosto kadib markii soo baxeen warar ku saabsan in laba arday oo dugsiga ku cusub lagu gubey birta wax lagu feereeyo ama kaawiyadda. Dhacdadaasina waxay ka dhacday xaflad loo sameeyey ardayda dugsiga ku cusub.

Dugsiga oo ay dhigato arday gaareysa 170 arday ayaa sannadkii laga bixiyaa qiime dhan 220 000 oo karoon.

- Waxaa hadda guddiga dugsigu baaritaan ku sameynayaa sagaal arday oo lagu tuhunsan yahay in ay ka qaybqaateen falkii feerada ardayda lagu gubey. Qaar ka mid ah sagaalkaas arday weli dugsiga ayey dhigtaan, halka qaarkoodna ay dhammeysteen, ayuu madaxa dugsigu Björn Söderman.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".