Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xukumada oo 3.1 bilyan ku maal-gelineysa dhallinyarada

La daabacay måndag 9 september 2013 kl 13.54
Hoggaamiyayaasha xisbiyada dowladda ku midoobey. Sawirle: Fredrik Persson/Scanpix

Xukumada ayaa ku maal-gelineysa 3.1 bilyan oo karoon sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada. Qorshahan xukumada ayaa waxaa kamid ah in ay raqiis noqoto shaqaaleynta dhallinyarada da'dooda ka hooseyso 23 sanno.

Arintaan ayaa waxey kamid tahay miisaaniyada xukumada Rienfeldt ugu talo gashey 2014. Taas oo looga gol leeyahey sidii loo kordhin lahaa rabitaanka ah shaqaaleynta dhallinyarada.

Waxaa la filayaa in qorshahan maanta ay xogaamiyaasha xisbiyada xukun wadaaga ah Alliansen ku soo bandhigaan shir-saxaafadeed ay ku qaban doonaan magaalada Göteborg.

2.1 kamid lacagtan 3.1 bilyan ah ayey xukumada dooneysaa in ay geliso wax ay ugu magac dartey YA- jobb (anställning på yrkesintroduktionsavtal). Magacaas ayaa hadii af-soomaliga lagu soo gaabiyo noqon kara heshiiska barista xirfadda. Waxaana logu talo galey dhallinyarada ay da'dooda ka gaarsiisan tahay 25 sanno balse laheyn xirfad iyo waayo aragnimo shaqo.

Shaqaaleynta noocan ah ayaa ujeedadeeda tahay in dhallinyarada la shaqaaleeyo la siiyo mushaar u dhigma kan ururada shaqaalaha in shaqo-bixiyaasho ku heshiiyeen balse waqtiga qayb kamid ah ayaa la siinayaa warbarasho shaqada ku sabsan. Waqtigaas oo uusan qofka mushaar qaadeneynin.

Qorshaha xukumada waxaa sidoo kale kamid ah in ka ay dhinto 1.000 karon qarashaadka canshuurta ah ee ay shirkadahu bixiyaan marka ay ruuxa dhallinyarta ah shaqaaleeyaan, sida ku xusan hindisaha xukumada.

- Waa dhimis loo sameeynayo shirkadaha si ay u shaqaaleeyaan dhallinyarta ayey tiri Annie Löff wasiirada ganacsiga ahna hogaamiyaha xisbiga Centerpartiet.

Hindisaha xukumada waxaa sidoo kale ku jirta in la dhimi doono qarashka laga bixiyo kamid ahaanshaha caymiska shaqada A-kassa .Taas oo sida xukumada sheegtey ka micno noqon doonta in 2.2 milyan oo ruux laga dhimi doono garashka ay ka bixiyaan caymiska shaqada.

Isha: SVT nyheter                                                                 

                                                                                  Warsame.elmi@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".