Burburkii diyaaraddii uu saarnaa xoghayihii guud ee Qaramada Midoobey. Dag Hammarskjöld.

Ururka QM oo lagu la taliyey in uu dib u baaro geeridii Dag Hammarskjöld

Guddi caalami ah oo garyaqaanno ka kooban ayaa Ururka Qaramada Midoobey kula taliyey in dib baaritaan ugu sameeyo sidii ay u dhacay geeridii xoghayahii hore ee Qaramada Midoobey Dag Hammarskjöld.

Guddigu wuxuu qabaa in ay yimaadeen xaalado cusub, lana helay caddeymo hor leh oo ku saabsan diyaaraddii ku burburtay sannad 1961 gudaha dalka Zaambiya, halkaas oo uu ku dhintay xogyahihii Qaramada Midoobey Dag Hammarskjöld oo ka mid ahaa dadkii diyaaradda saarnaa. Dad uu guddigu waraysi la yeeshay waxay sheegeen in diyaaradda dab ka baxaayey intii aysan dhulka ku dhicin. Sidaas awgeed ayuu guddigu qabaa in ay suurtagal tahay in diyaaradda laga soo weeraray dhanka hawada ama lagu khasbay in ay degto.

Dag Hammarskjöld wuxuu kolkaa ku sii wajahnaa dalka Koongo si u dhexdhexaadiyo khilaafkii siyaasadeed oo halkaas ka taagnaa. Sannadihii 1961-1962 ayaa burburka diyaaraddaan lagu sameeyey saddex baaritaan oo muran dhaliyey. Baaritaankii Qaramada Midoobey oo la soo gebagebeeyey 1962 waxaa lagu sheegay in golaha QM lagu wargeliyo wixii caddeymo cusub oo yimaada, isla markaasna baaritaan cusub la bilaabo. Waana taas tan ay hadda garyaqaannadaani tixraacayaan.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".