Buundadii aabbaha iyo wiilkiisa jirdilka loogu geystey. Sawirle:Drago Prvulovic/Scanpix.

Aabbe iyo wiilkiisa oo jirdil loo geystey

Nin 32 sano jir ah ayaa shalay fiidkii si xun jirdil loo geystey iyadoo ay isaga iyo wiil yar oo uu dhalay ay dulmarayeen buundo ku taal magaalada Malmö. Jirdilkaas waxaa ka qaybqaatay dad tiradooda lagu qiyaasay tobaneeyo qof. Aabbahaan iyo wiilkiisa oo jira sannad iyo lix bilood waxay u baxeen majabaxsi marka la soo weerarayey.

Waxaa boliiska laga soo xigtay in tiro dad ahi ay weerar ku qaadeen ninkaan iyadoo caayaya jinsiyaddiisa iyo midabkiisa. Dadkaas oo ninka u geystey jirdil isugu jira harraati iyo feer. Kooxdaan weerarka soo qaaddey waxay kaloo isku dayeen in ay ninkaan ka tuuraan buundada oo waddada baabuurta u tuuraan. Waxay kaloo kala tuureen wiilkii yaraa iyagoo ugu hanjabey in ay qudha ka jarayaan, sida ku qoran dacwaddii boliiska loo soo gudbiyey.

Boliiskuna wuxuu dhacdadaan u arkaa fal dembi oo dad-nacayb ku dhisan.

Isha: Ekot iyo Aftonbladet

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".