Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Hanjabaad in gumaad loo geysanayo dugsi ku yaal Örebro

La daabacay tisdag 10 september 2013 kl 10.08
Dugsiga Rudbecksskolan ee magaalada Örebro. Sawirle:Alexander Bernström/Sveriges Radio Örebro.

Waxaa musqul ku taal qaybta waxbarashada dadka waaweyn ee dugsiga Rudbecksskolan ee Örebro lagu qoray in la gumaadayo ama xasuuqayo dadka ku sugan dugsiga. Hanjabaaddaasina waxay maamulka dugsiga ku kalliftay in ay feejignaan dheeraad ah iyo diyaargarow muujiyaan.

Waxay ahayd maalintii jimcaha kolkii muraayadda musqul ku taal dugsiga lagu arkay ereyo ku hanjabaya in xasuuq ama gumaad laga geysan doono dugsiga maalinta ay bisha sebteember tahay 10, ama ay suurtagal tahay in saxuuqaasi dhaco 19 sebteember. Hanjabaaaddaas ka sokow waxaa halkaask u qornaa ereyo badan oo cunsuriyad ah.

Hanjabaaddaan waxaa durbadiiba lagu wargeliyey boliiska oo iyaguna isla markiiba u arkay arrin tixgelin gaar ah mudan. Koox cusub oo loo asaasay xaaladdan adag ayaa isugu yimid kulan maalintii isniinta. Kooxdaan oo ka kooban wakiilka ururka shaqaaalaha, mas’uulka ammaanka degmada iyo ciidamada boliiska ayaa maanta isugu imanaaya kulankoodii labaad. Ciidamada boliisku waxay dugsiga geeyeen askar ilaalo ahaan u joogta. In kastoo dhacdadaan khatar loo arkay, haddana weli dugsigu waa uu furan yahay oo caadi ayaa wax loogu bartaa.

Laba qof oo ka socda maamulka degmada Örebro ayaa maanta tegi doonaa dugsiga si ay uga jawaabaan su’aalaha dadka.

Isha: P4 Örebro iyo Nerikes Allehanda

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".