Sawirle: I.Makridova

Dadka tacliinta sare haysta oo Iswiidhen ku soo badanaya

Waxaa mustaqbalka Iswiidhen sare u soo kacaya tirada dadka haysta tacliinta sare. Sidaasna waxaa lagu muujiyey saadaal maanta ka soo baxday xarunta dowladda. Waxaa saadaashaas ka muuqata in boqolkiiba 53 dhallinyarada hadda 19 sano jirka ah ay bilaabi doonaan jaamacadaha.

Waxaa kaloo saadaashaas si cad uga muuqatey in ardayda hadda dhammeysaneysa dugsiyada sare ay haystaan fursado ka wanaagsan kuwii jiilashii ka horreeyey oo ay ku bilaabaan waxbarasho jaamacadeed. In ka badan boqolkiiba konton ardayda dugsiyada sare dhammeysta oo da’doodu tahay 19 sano, waxaa laga yaabaa in ay bilaabaan tacliin sare inta aysan gaarin 34 sano jir. Toddoba sano kadibna waxay tiradaasi gaareysaa boqolkiiba 63.

Xoghaynta dowladda waxay soo saaridda saadaashaan kala kaashatay maamulka jaamacadaha oo saadaashooda ku saleeyey tirada ardayda soo codsatay jaamacadaha, iyo in aragtida uu dhallaanku ka qabo tacliinta sare ay sidaas sii ahaan doonto in muddo ah.

Isha: Svenska Dagbladet

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".