Sawirle: Peter Lydén/Scanpix.

Shaqaalaha badankood ayaa akhrisan kara warbixinaha bukaanka

Qaar aad u badan oo ka mid ah shaqaalaha isbitaalka weyn ee Karolinska ayaa akhrisan kara macluumaadka ama warbixinaha isbitaalku ka kaydiyo dadka bukaanka. Sidaasna waxaa qaba Hay’adda kormeerka macluumaadka oo hadda ka dalbeysa isbitaalka in uu xaddido dadka akhrisan kara warbixinahaas.

Maanta waxaa jira 10000 oo shaqaale ah iyo 9000 oo mas’uuliyiin ah oo ka shaqeeya rugaha daryeelka caafimaadka iyo isbitaalada dhimirka oo ay suuragal u tahay in ay wax ka ogaadaan warbixinaha dadka bukaanka ah laga kaydiyo.

Madaxa dhakhaatiirta isbitaalka Johan Bratt wuxuu qabaa in ay dhaleeceyntaani tahay mid xaq ah, loona baahnaa in tallaabooyin mar hore laga qaado. Balse wuxuu intaa raaciyey in haddii la adkeeyo helitaanka warbixinahaas, ay taasi keeni karto in ay shaqaalaha caafimaadka ku adkaato helitaanka warbixinaha muhiimka ah ee ku saabsan qofka bukaanka ah.

Dhammaan dadka hadda doonaya in ay akhristaan warbixinaha bukaanku waa in laga qaadaa ”sawir faraha” si loo hubiyo in si tuugo ah loo akhristay warbixinaha bukaanka. Si kedis ah ayaana baaritaanada loo sameeyaa.

Isha: Ekot och Metro.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista