Sawirle: Jens L´estrade/Scanpix.

Thomas Bodström oo ka xun masaafurintii raggii masaarida ahaa

Wasiirkii hore ee caddaaladda Thomas Bodström ayaa hadda qaba masaafurintii labadii nin oo Masar u dhashay ay gaf weyn ahayd. Waxay ahayd sannadkii 2001 kolkii ay Iswiidhen gacanta u gelisey ciidamada sirdoonka ee Maraykanka ee CIA labadaas oo loo sii gudbiyey dalka Masar, halkaas oo ay kulmeen xabsi iyo jirdil.

In kastoo ay dowladdii markaas jirtay ay wadajir u gaartay go’aankaas masaafurinta, ayaa haddana eedda inteeda weyn dusha looga tuuray wasaiirkii arrimaha dibedda ee xilligaas Waxaa hadda arrintaan qoomamayn ka muujiyey Thomas Bodström iyo raysalwasaarihii xilligaas Göran Persson ångrar.

Isha: SVT, Expressen

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".