Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Soogalootiga cusub oo af-iswiidhish dheeraad ah loo dhigayo

Wasiirka waxbarashada Jan Björklund.

Carruurta dhowaan dalka yimid oo dhigta fasalada kowaad ilaa shanaad ayaa la siin doonaa xiisado dheeraad ah oo ay ku bartaan afka iswiidhishka. Sidaasna waxaa doonaya dowladda oo miisaaniyadda dayrta oo dhowaan la soo bandhigi doono ku qortay in ay kordhineyso deeqda hawlahaas lagu maalgelinayo oo gaarsiineyso 225 milyan karoon. Taasi waxay la micne tahay carruurtaas toddobaadkiiba la siin doono saddex saac oo xiisado af-iswiidhishka lagu baro.

Waxaa dayrta xiisado dheeraad oo af-iswiidhishka lagu baro la siinayaa ardayda dhowaan dalka timid oo dhigta fasalada 6aad ilaa 9aad. Waxaana toddobaadkiiba la siinayaa saddex saac oo ay af-iswiidhishka ku bartaan. Kaasina wuxuu hindise sannadkii hore lagu soo bandhigay miisaaniyadda qaranka.

Dowladda ayaa hadda dooneysa in ay ardayda dhigata fasalada 1 ilaa 5 u kordhiso xiisadaha af-iswiidhishka marka laga bilaabo dayrta sannadka dambe, waa sannadka 2014..

Wasiirka waxbarashada Jan Björklund ayaa arrintaan ka yiri:

- Carruurtu waxay af-iswiidhishka ugu baahan yihiin si ugu fududaato dhexgalka bulshadu, iyo weliba si ay u fahmaan duruusta laga siiyo dugsiyada oo ay natiijo wanaagsan uga gaaraan.

Isha: TT/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".