Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqa-la’aanta oo weli cirka ku shareeran

La daabacay onsdag 11 september 2013 kl 15.25
Xafiiska shaqada ee Borås. Sawirle: Alexandra Karlsson P4 Sjuhärad

Bishii Agoosto oo la soo dhaafay waxaa Xafiiska shaqada ka qornaa 402000 oo qof shaqa-la’aan ah. In kastoo ay waqtiyadii dambe muuqatay in dhaqaaluhu soo wanaagsanaaday, ayey haddana shaqa-la’aantu weli halkeedii taagan tahay marka la barbardhigo tii horraantii sannadkaan.

Dadka ku qornaa xafiiska shaqada in ay shaqa-la’aan yihiin muddo lix bilood ah ayaa weli sii kordhaya. Dadkaasi waxay bishii gaarayeen 221000 oo qof, taas 8000 ka badan tiradii bishii ka bishii ka horreysey. Susanna Okeke oo ah kusimaha madax waaxda tirakoobka xafiiska shaqada ayaan qabin in wax isbeddelayaan inta ka horreysa sannadka dambe.

- Weli ma aragno wax isbeddelaaya. Waxaan aaminsanahay in shaqa-la’aantu ay sii kordhi doonto ilaa inta laga gaarayo sannadka dhammaadkiisa, wixii isbeddel ahina ay iman doonaan bilowga sannadka dambe, ayey Susanna Okeke.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".