Sawirle: Mel Evans/Anders Wiklund/Scanpix

Fursado cusub oo qof uu noloshiisa wax uga beddeli karo

Waxaa hadda la dheereeyey xilliga uu qofku qaadan karo kaalmada dhaqaale ee ardayda la siiyo inta ay waxbarashada ku jiraan. Horey waxay u ahayd ilaa uu qofku ka gaarayo 54 sano jir, haddana waxaa la gaarsiiyey 56 sano jir. Taasina waxay qayb ka tahay hawlo ay dowladdu ku kordhineyso fursadaha in qofku uu da’ dambe uga beddelan karo xirfaddiisa. Sidaasna waxaa wargeyska Sydsvenska Dagbladet  ku qortay Maria Arnholm oo ah wasiiradda arrimaha sinnaanta ragga iyo dumarka, isla markaasna ah wasiir-ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada.

Waxaa kaloo hadda la labanlaabayaa qaybta deynta ah ee kaalmadaas oo loogu talagalay dadka buuxsaday 24 sano, isla markaasna doonaya in ay shaqada iska joojiyaan si ay tacliin u kororsadaan.

Maria Arnholm waxay qortay hawlahaani ay qayb ka yihiin dadaalo wax ool ah oo lagu doonaayo inaan mustaqbalka da’ weyn ku shaqaynno, maadaama aan fursad u heleynno in aan xirfad cusub kororsanno.

Horey waxaa la soo bandhigay hindise lagu doonayey in la kordhiyo lacagta qofka loo oggol yahay inuu shaqaysto si ay fududaato in uu isku dhexwado shaqo iyo waxbarasho.

Isha: Sydsvenskan

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".