Sawirle: Henrik Montgomery/Scanpix.

Kontaroolka dadka shaqa-la’aanta ah oo la dhaleeceeyey

Bisha soo socota waxaa dhaqangeli doona xeer cusub oo lagu kontaroolayo dadka shaqa-la’aanta ah oo tallaabo looga qaadayo qofkii aan si firfircoon isugu hawllin shaqaraadinta. Laakiin durbadiiba dhaleeceyn ayaa soo foodsaartay xeerkaan cusub.

Ururada shaqaalaha ee arrintaan dhaleeceynta u jeediyey waxaa ka mid ah ururka shaqaalaha maamulka oo loo soo gaabiyo ST, kaas oo qaba in uu xeerkaan cusubi ku siyaadinayo kontarool iyo hawlaha maamulka ay sameeyaan.

Laakiin wasiiradda arrimaha shaqadu waa ay ka biyadiiddey arrintaan oo waxay u aragtaa in ay xafiiska shaqada ka yareyneyso warqadaha ay buuxiyaan si ay waqti ugu kaalmeynta dadka shaqa-doonka ah.

- Anigu sidaas ma qabo, waayo marka aan ka hadleynno soo bandhiga shaqooyinka la doontay, waa wax macquul in qofka shaqa-doonka ahi uu soo gudbiyo shaqooyinkii uu raadsaday.

Qofka shaqa-doonka ahi waa uu si joogto ah ugu bandhigaa xafiiska shaqada shaqooyinkii uu doontey. Ciddii aan sidaas samaynna waxaa arrintooda lagu wargelinayaa khasnadda shaqa-la’aanta, , taas oo saameyn ku yeelan karta lacagta shaqala’aanta.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".