Sawirle: Roger Blomqvist/P4 Sveriges Radio Göteborg

Dacwooyinka daryeelxumada xarumaha waayeelka oo soo kordhay

Tirada dacwooyinka laga soo gudbiyo xarumaha lagu xannaaneeyo waayeelka ayaa kordhay boqolkiiba 50 intii u dhexeysey 2011 iyo 2012. Dacwooyinkaas soo kordhaynna waxaa loo aaneynayaa xeerkii cusub ee lagu magacaabo Lex Sarah oo dhaqangalay 1dii Luulyo 2011, laakiin baaritaan uu sameeyey telefishanka SVT waxaa lagu muujiyey in ay jiri karaan sababo kale.

Xeerka Lex Sarah wuxuu la micne yahay in ay shaqaalaha xarumaha waayeelku ka warbixin karaan wixii daryeelxumo goobahaas ka jira.

Marianne Olsson oo Kungsbacka ka ah kalkaaliye hoose ee caafimaad ayaa sababo dhawr ah ku sifeysey:

- Waxaa dhici kara in waqtiyada qaarkood ay shaqaalaha hawlgalaa yar yihiin. Dadka la daryeelaana waa ay ka liitaan sidii ay ahaayeen dhawr sano. Sidaas awgeed waxaa jira baahi ay u daryeel dheeraad ah.

Waxaa dacwooyinka ugu badan laga soo gudbiyaa habka hawlaha daryeelka loo fuliyo oo gaabsi ku jiro. Kuwaas oo ay ka mid tahay baahida asaasiga ah sida dadka waayeelka oo aan laga beddelin xafaayadda ama aan helin cunto nafaqo leh.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".