Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Aqoonkororsi baayacmushtarka oo lagu dhiganeyo luuqadda soomaaliga

La daabacay torsdag 12 september 2013 kl 14.01
Waa suurtagal dheeri ah oo soomaalidu heshey
5:24 min
Sawirle: Henrik Montgomery/Scanpix.

Dhowaantan ayuu magaalada Göteborg ka bilaaban doonaa kooras aqoon-kororsi oo la xiriira barashada nidaamka baayac.mushtar ee dalkan, midkaasina oo markii ugu horeeysay lagu qaban doono luuqadda Soomaaliga, sida uu noo sheegay  Dahir Khalid, ahna dhaqaale yahan iminka la taliye ahaan uga howl-gala ururka hor-u-marinta ganacsiga nawaaxiga gobolka Galbeedka Götaland:

 

Kooraskan oo ah mid lagu qabtan doono luuqadda soomaaliga markii ugu horeeysay dhiggiisa ayaan ku wajahneyn koox gaar ah ee soomaalida nawaaxigan ku dhaqan ka mid ah, hase yeeshee la oran karo iney isugu jiraan kooxo kala duwan oo lahaan kara dano kala duwan. Haddey noqon lahaayeen dadyoow ey iminkaba shirkado u bilaaban yihiin, qaar iyagu diyaar u ah iney shirkad furtaan iyo qaar ey weli niyadda un kaga jirto, hase yeeshee aan weli ku tallaab-san howlahaa.

Suurtagelinta hoowshan ayuu ka dambeeyaa ururka ama shirkad-degmeedka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno BRG - Business Region Göteborg - Ganacsiga gobolka Göteborg, inkastoo fikirkan ah in luuqadda soomaaliga lagu qaato uu asalkiisa lahaa Dahir Khalid, maadama sida uu hadalka u dhigay u muuqatay baahida soomaalida ka heysata dhankaa iyo sidii looga taakuleyn lahaa.

Koorasyadan oo inta badan lagu qabto luuqadda iswiidhishka ayaa horay la isugu dayey in lagu qabto luuqadda ingirisiga, hase yeeshee aan laga gaarin wax guulo ah, sla-markaana halkaa looga soo haray. Iminka oo gabagabada bishan eynu ku guda jirno ee sebteembar lagu qaban doono luuqadda soomaaliga uu noqon doonaa suurtagalkii ugu horeeyey ee dhiggiisa ah, hase yeeshee miyaanu iman karin tuhunka ah in maadaama marar badan soomaalida lagu sheego iney yihiin dad 

ma- gudbeyaal ah uu kooraskanina ku biiro liiskaa iyada oo la is leeyahey maadaama aaney baran karin luuqadda iswiidhishka waa in loogu dhigo luuqadoodii Soomaaliyeed. Dahr Khalid ayaa fikirkaa ku tilmaamay mid aan jirin, balse howshani tahay suurtagal dheeri ah ciddii daneeyneysa. Ma ahan soomaalida oo keliya wax u gaar ah, hase yeeshee cid walba oo dalka ku cusubi way u baahan tahay gacan-qabasho qowmiyadeey doontaba ha ahaatee:

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".