Sawirle: Drago Prvulovic/Scanpix

Ilaa hadda lama hayo cid wax ka sheegta jirdilkii Malmö

Boliiska Malmö ilaa hadda ma hayo cid war xog ogaal ah ka siisa jirdilkii foosha xumaa oo loogu geystey nin iyo wiilkiisa yar buundo ah nooca lagu lugeeyo oo ku taal Kroksbäck ee Malmö, in kastoo ay boqolaal qof oo reer Malmö arkayeen wixii dhacay.

Thomas Bull oo hoggaamiya kooxda boliiska Malmö u qaabbilsan dembiyada dad-nacaybka ayaa sheegay in ay dadka xaafadda ku adag tahay in ay ka markhaanti kacaan wixii arkeen, balse uu la yaabban yahay sababta aysan dad badani telefoon ugu la soo xiriirin.

Muuse oo ah nin deggan xaafadda Kroksbäck ayaa qaba in ay aamusnaanta ugu wacan tahay cabsi ay dadku qabaan:

- Dadka badankood waa yaqaaniin ragga falkaan geystey, oo waxay boliiska siin karaan adareesyada iyo lambarada telefoonada dadka falkaas geystey, laakiin dhibaatadu waxay tahay in aysan cid dooneysa in ay markhaanti furto. Dadku ma doonayo in ay faraha la galaan wax aan khuseyn. Kuwo badani waxay ka cabsiqabaan in ay nafta ku biimeeyaan wax aysan shaqo ku lahayn.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista