Kimberly Escobar iyo Mossa Mohammadi oo hortaagan dugsi Komvux ah. Sawirle: Katarina Wahlström/Sveriges Radio.

Qof waliba xaq ayuu u leeyahay shahaadada lagu galo jaamacadaha

Dowladda ayaa hadda dooneysa in ay sharci ka dhigto in dadka waaweyn xaq u yeeshaan waxbarashada dadka waaweyn si u helaan shahaadooyinka lagu galo jaamacadaha.

Waqtigaan xaadirka ah waxaa jira dhawr degmo dadka ugu deeqa waxbarashada dadka waaweyn, laakiin sharci ku khasbaya in ay waxbarashooyinkaas dadka u diyaariyaan.

Sida laga soo xigtay wasiirka waxbarashada Jan Björklund waxaa hadda dowladdu degmooyinka siineysaa deeq qaran oo dheeraad ah si ay u hirgeliyaan qorshahaan waxbarashada dadka waaweyn. Dowladduna waxay hadda arrintaan wadahadalo kala leedahay Ururka degmooyinka gobolada sidii isbeddelkaan loo hirgelin lahaa, kaas oo la filayo in uu dhaqangalo bisha Jannaayo ee sannadka 2017.

Ujeeddada laga leeyahay hindisahaan ayaa ah in dadka loogu fududeyn lahaa in ay sameystaan aqoon-korosi oo ay u suura gasho in ay xirfadda iska beddelaan marar badan.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".