Sawirle: Anders Wiklund/Scanpix.

Isbitaaladu wax uma qabtaan carruurta cayilku ku bato

Waxaa dood lagu qoray bogga doodaha ee DN Debatt in lala tacaalo tiro aad u yar oo ka mid ah carruurta baruurta badan fuusho oo ku nool Iswiidhen. Kuwa badanna waxay caawimaad helaan goor aad u dambeysa.

Carruurta baruurta badan fuusho waxay ku badan yihiin qoysaska waxbarshadoodu hooseyso oo dakhliga yar, waxayna u badan yihiin qoysas ajnebi ah. Waxaa meesha ka maqan ururo u dooda carruurtaas dhibaateysan iyo isku day in dhibaatooyinkaan cayilka si dhab ah loo qaato.

Maadaama marka ay carruurtaani xanuunsadaan ay bulshada ugu kacaan lacag badan, waxaa habboonaan lahayd in uu jiro qorshe qaran oo lagu la dagaalamo dhibaatadaan cayilka.

Isha: DN Debatt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".