Sawirle: Ugarit News/Scanpix.

Safaaradaha Iswiidhen oo lagu soo qulqulayo

Waxaa culeys ka imanaya dadka fiisaha doonaya uu foodsaaray safaaradaha ay Iswiidhen ku leedahay dalalka Masar, Urdun iyo Turkiga.

Waxaa maalin walba halkaas yimaada qaxooti suuriyiin ah oo u fahmey in dhammaan dadka suuriyiinta ah loo oggolaaday in ay yimaadaan Iswiidhen.

Waxay ahayd toddobaadkii hore markii ay Hay’adda Socdaalka Iswiidhen go’aanka ku gaartey in qaxootiga ka yimaada Suuriya la siiyo degganaansho joogto ah. Taas oo qaraabadoodana xaq u siineysa in ay yimaadaan Iswiidhen. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay in qofka doonaya in uu magangelyo ka codsado Iswiidhen uu marka hore soo galo dalka ee ma aha in uu codsigiisa ka sameeyo safaaradaha Iswiidhen ku leedahay dalalka kale.

Culeyskaas awgiis ayey hadda safaaradda Iswiidhen u fadhida Ankara ka codsatay wasaaradda arrimaha dibedda lacag dheeraad ah.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".