Sawirle: Leif R Jansson/Scanpix

Kor ayey u kacayaan soomaalida ku dhiiraneysa abuuridda shirkado

Caddaani: Soomaalidu hadda wey il-baxdey
5:09 min

Dhaqaale yahan Benny Carlsson wuxuu ka mid ahaa baareyaashii loo xil-saarey ka soo baaraan-degga guddigii mustaqbalka iyo sidii soomaalida qowmiyad u dhiganta haddii dalkan ey timaado loo maareeyn lahaa. Carlsson ayaa sidoo kale is-barbar-dhig ku sameeyay muddo iminka sanooyin laga joogo soomaalida reer Iswiidhen iyo Minneapolis.

Midkaasina oo ku sheegay iney aad ugu kala duwan yihiin dhanka shirkad abuurka. 39 shirkadood oo reer Iswiidhen lahaayeen iyo 800 oo reer Minneapolis lahaayeen. Inkastoo ey dhici karto in iminka wax iska bedeleen.

Is-bedel inuu jiro waxaa aamin-san Ilyaas Caddaan oo ku magac-dheer Caddaani. Caddaani ayaa dalka soo galay 1989, isaga oo wixii intaa ka dambeeysay si wada-jir ah ula furay soomaali kale shirkad ku howl-gasha takaasida, iminkana ku howlan sidii uu u furi lahaa shirkad dharka iibisa.

Cabdiraxiin Shariif Maxamed oo ey si wada jir ah u qorsheeyneyaan sidii shirkada ey isaga kaashan lahaayeen Ilyaas Caddaan, eyna tahay markii ugu horeeysay ee uu shirkad ku hamiyo ayaa noo sheegay iney ugu wacan tahay maadaama ey muddadaa ku qaadatay sidii uu ku heli lahaa isku kalsooni iyo macluumaad:

Baarnaamij idaacadda ka baxay shaleyto oo khamiis ahayd ayaannu ku soo qaadaney qorshe barnaamij la xiriira aqoon-kororsi laga bilaabi doono magaalada Götebrog 23-ka bishan sebteembar, looguna talo-galey sidii soomaalida xiiseeyneysa luuqaddooda hooyo loogu siin lahaa howlaha la xiriira baayac-mushtarka. Waana markii ugu horeeysay ee tallaabo noocaasiya la qaado, sida uu sheegay Khaalid oo ah dhaqaale-yahan, isla-markaana hor-muud ka noqon doona aqoon-kororsiga:

Fikirkaa waa mid uu la qabo Ilyaas Caddaan, isagoona sheegay in middaasi noqon lahayd mid wax ballaaran ka tarta tayada soomaalida ku hamineysa iney noqdaan shirkadley.

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".