Dugsiga Lundsberg. Sawirle: Sveriges Radio.

Maxkamad go’aan ka gaareysa aayaha dugsiga Lundsberg

Maxkamadda derejada dhexe ee arrimaha maamulka ayaa go’aamisey in ay gudagasho arrinta khuseysa dugsiga la seexdo ee Lundsberg in kastoo ay dhici karto in dugsigaas si ku meelgaar ah loo xiro, sidaas oo ay Hay’adda kormeerka dugsiyadu dooneyso.

Isla Hay’adda kormeerka dugsiyada ayaa horay u go’aamisey in dugsigaasi uu sii furnaado muddo lix bilood ah, kadib markii ay soo warar sheegaya in arday waaweyn oo dugsiga dhigata ay feero ama kaawiyad ku gubeen wiil da’ yar o omarkaas dugsiga bilaabay. Go’aankaas ayaa mid kama dambeys ah, taas oo la micne ah in ardaydii maalin uun arkeen in ay khasab ku tahay in ay dugsi kale raadsadaan.

Laakiin kadib markii dugsiga Lundsberg uu rafcaan ka qaatay go’aankaas, ayey maxkamadda derejada koowaad ee maamulku go’aamisay in go’aanka xiritaanka dib loo dhigo, taas oo la micne ah in dugsigu sii furnaado ilaa inta maxkamaddu ka gaareyso go’aan kama dambeys ah. Taas oo sababtay in ardaydii dugsigu dib ugu laabato isniintii.

Hay’adda kormeerka dugsiyada ayaa intaas ka hor rafcaan ka qaadatay go’aanka dib u dhigidda. Sidaas awgeed ayey hadda maxkamadda derejada dhexe ee arrimaha maamulku go’aansatay in ay dib u furto haddii dugsiga la xirayo gebi ahaan iyo haddii kale.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".