Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Qof dumar ah oo loo hayo shirqool dhac iyo dil

La daabacay fredag 13 september 2013 kl 17.11
Sawirle: Clara Tesch/Sveriges Radio.

Qof dumar ah oo 18 sano jira ayaa la xiray iyadoo lagu tuhunsan yahay in ay ka qaybqaadatay dhac foolxun oo dhacay afartii iyo shantii bishaan sebteember. Gabadhaani waxay ka mid tahay afar qof oo qabtay dhacii iyo dilkii nin 32 jir ah loogu geystey degmada Solna maalintii axadda ee la soo dhaafay..

Dadkaas la tuhunsan yahay waxaa kaloo ka mid ah gabar 15 sano jir ah iyo laba wiil oo 25 sano jir ah. Gabadhaas 15 sano jirka ah waxaa iyadana lagu tuhunsan yahay in ay ka qaybqaadatay falkaas dhaca ah, laakiin lama xirin da’deeda oo yar awgeed.

Labada ayaa ninkii la dilay ku shukaansaday internet, kadib meel kula ballamay.

Waxaa siihaynta dadkaan lagu go’aamiyey wadaxaajood albaabadu u xiran, lase furi doono marka maxkamaddu mowqif ka qaadato arrintooda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".