Mustafa Axmed iyo Maxamuud Salaad, shakhsiyaadkii lahaa fikirka bannaan-baxa sabtida dhici doona.Sawirle: Kenadid Mohamed/ Sveriges Radio

Bannaanbax la isugu habar wacanayo oo sabtida ka dhici doona Göteborg

Waa mid loo baahan yahay in dhammaan la iska kaashado
6:37 min

Berito oo sabtiya ayaa lagu wadaa inuu faras-magaalaha Götebrog barxadda - Gustav Adolfs Torg uu ka dhaco bannaan-bax loogu magac-darey "Magaalo ammaan iyo hubaal ah - en tryggare och säkrare stad".

Maxamuud Salaad wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka fara ku tiriska ah ee keeney fikirka bannaan-baxan. Sababaha ku dhaliyay ayuu ku macneeyay carqaladihii toddobaadkii ina dhaafay ka dhacey xaafado ka tir-san magaalada Göteborg iyo welwelka bulshada kala soo gudboonaadey:

Kadib dhacdooyin dhowaanahan ka dhacey xaafado ka mid ah kuwa ku yaala Göteborg oo ey ka dhaceen is rasaaseyn ey laba ruux ku naf waayeen, isla-markaana uu ruux saddexaad ku soo gaaray dhaawac, kuwaasina oo cabsi iyo argagax geliyey bulshada ku dhaqan nawaaxiyadaa ayaa ku dhalisay inuu Maxamuud Salaad uu fikirkaa kala kaashado ururka Fryshuset, laantiisa magaalada Göteborg. Iyadoona fikirkii lala qaaday.

Inkasta oo aaney illaa hadda ciidanka ammaanku soo ban-dhigin ama aan laga heyn guulo ey ka gaareen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ciddii ka dambeeysey falalka xabbadeeynta ayaa dhanka kale uu Mustafa Axmed ku macneeyey sababaha ugu wacan dhibaatooyinka halkaa ka dhacay siyaabo kala duwan. Mustafa Axmed iyo mar kale.

Marka laga yimaado ka baaraan-degga sababaha caqabadahaasi u dhaceen ayaa sida aad horeyba ugu maqleeyseen waxaa sabtida uu ururka Fryshuset hor-seed ka noqon doonaa bannaan-bax loogu talo-galey sidii loo muujin lahaa in dhibaatooyinka ka dhacey qaar ka mid ah duleedyada magaalada Göteborg aaney aheyn oo keliya dhibaatooyin u gaar ah xaafadahaa. Isla-markaana loo muujin lahaa sawirka wanaag-san ee magaaladu leedahay iyo in aaney ahayn goob dhibaatooyin un ka dhacaan oo ay tahay magaalo la mid ah magaalooyinka kale, inkasta oo mararka qaarkood ey ka dhacaan ama ka dhici karaan dembiyo iyo carqaladeyn.

Marka laga yimaado khudbadaha iyo dhammaan farriimmaha loogu talo galey in bannaan-baxa lagu muujiyo, waxaa lagu talo jiraa sidoo kale in goobtaasi laga dhigo heeso iyo muusik iyo sidii loo adkeeyn lahaa neceeybka iyo xoogagga ka soo hor-jeeda khalalaasaha iyo dilka:
- Xaaladdani waa mid bulshada reer Göteborg dhammaantood ka dhaxeeysa. Haddii kale waxaa halis loogu jiraa iney dhibaatooyinkan u muuqdaan kuwo ku eg oo keliya xaafadaha duleedka magaalada iyo kuwa ajaaniibta un khuseeya. Mana ahan wax jira. Ammaanku waa mid bulshada oo dhan u yaal waana mid loo baahan yahay in si joogto ah gacan looga geeysto.

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".