Maalintii labaad oo qof toogasho loogu dilay koonfurta Stockholm

Nin 25 sano jir ah ayaa toogasho lagu dilay habeenkii axadda. Falkaan wuxuu ka dhacay xaafadda Östberga ee koonfurta Stockholm. Qofkii falkaan geystey weli lama hayo meel uu raad iyo saan dhigay.

Falkaan dilka toogashada ahi wuxuu noqonayaa kii labaad oo ka dhacay aaggaas. Jimcihii ayey ahayd markii nin 22 sano jir ah toogasho loogu dilay isla xaafaddaas, meel u dhow dugsiga lagu magacaabo Örby.

Mats Brännlund oo ah sarkaalka heeganka leh ee boliiska Stockholmspolisen ayaa saxaafadda u sheegay in ay adag tahay in ilaa hadda la ogaado in labadaa dhacdo uu wax xiriir ah ka dhexeeyo. Wuxuu intaas ku daray in boliisku ay hagar la’aan ah ugu hawllan yihiin dhacdooyinkaan dilka toogashada ah. Balse ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay dhacdooyinkaan.

Isha: P4 Stockholm

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".