Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sawirle: Christine Olsson/Scanpix.

Dadka xanuunka isku qora oo ku soo batay qaybo ka mid ah dalka

Guud ahaan tirada dadka xanuunka isku qora ayaa Iswiidhen ku soo korodhay, laakiin haddana farqi weyn ayaa u dhexeeyaa gobolada dalka. Tusaale ahaan hoos u dhac ayaa ku yimid tirada dadka xanuunka isku qora ee gobolka Dalarna. Sidaasna waxaa lagu muujiyey tirakoob ay Hay’adda caymisku soo saartay oo uu akhristay wargeyska Dagens Nyheter.

Bishii Abriil ee sannadkaan waxaa gobolka Värmland jirro ama xanuun isku qoray dumar boqolkiiba 17 ka badan tiradii bishii Abriil ee laba sano ka hor. Sidoo kale waxaa isla xilligaan iyaguna kordhay tirada dumarka xannuunka isku qora ee ku nool gobolada Västernorrland iyo Dalarna.

Kororka ugu badan ee ragga wuxuu ka muuqdey ragga ku nool gobolka Halland oo bishii Abriil kordhay boqolkiiba 14 marka la barbardhigo laba sano ka hor. Dhanka kale waxaa boqolkiiba shan hoos dhacay ragga xanuunka isku qora ee ku nool gobolka Dalarna.

Hay’adda caymisku weli ma oga waxa sababta u ah farqiyadaan u dhexeeya xanuunada la isku qora ee gobolada dalka, laakiin Laura Hartman oo Hay’adda caymiska u qaabbilsan baaritaanada waxay sheegtay in xaaladda nolosha shaqadu door weyn ku leedahay xannuunada la isku qoro.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".