Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Shir looga hadlayo kaalmada Suuriya oo ka furmay Stockholm

La daabacay måndag 16 september 2013 kl 13.11
Sawirle: Katja Magnusson/Sveriges Radio.

Waxaa maanta magaalada Stockholm ka bilowday shir laba maalmood soconaya oo ay isugu imanayaan wakiilo ka kala socda Qaramada Midoobey iyo dalalka deeqda bixiya. Shirkaasna waxaa looga xaajoon doonaa xiriirinta hawlaha samafalka ee socda gudaha dalka Suuriya iyo dalalka deriska ah oo ay ku sugan yihiin qaxooti farabadan oo ka soo cararay dagaalada ka socda Suuriya.

Qaramada Midoobey ayaa horay uga codsatay dalalka deeqda bixiya lacag gaareysa shan bilyan oo doolar. Codsigaasina wuxuu noqonayaa codsigii ugu weynaa taariikhda aadamiga. Wasiiradda kaalmada dibedda Gunilla Carlsson ayaa rejeyneysa in lacag badan la ururiyo iyo in ay Iswiidhen u suuragasho in ay sii kordhiso kaalmada ay siiso Suuriya oo haddaba ah mid aad u sarreysa:

- Sannadkaan oo qura waxaa laga hadlaayaa 280 milyan oo karoon. Sida ay u badan tahayna waa la sii kordhin doonaa. Waxaan dadaal ugu jirnaa sidii aan deeq-bixiyayaasha kale ugu dhiirrigelin lahayd in ay ka qaybqaataan. Iswiidhen keligeed wax walba ma samayn karto. Sidaas awgeed ayuushirkaani muhiim u tahay xiriirinta hawlaha kaalmada oo aan ugu babacdhigeynno xaaladda aadanimo ee na hortaal. Waxaan subax walba carruur tiro badan oo dhibaatooyinkaas ku dhex nool. Sidaas awgeed ayaan aad ugu qanacsanahay shirkaas heerka khubarada ah oo Stockholm ka furmay iyo weliba in aan isku dayi doonno in aan intii tabartayada ah samaynno dadaal.

Isha: Desken/P1 Morgon

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".